Himilo – Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi karto inay si lama filaan ah ula wareegto weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar xagaagan.
30-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii la dhibtootay dhaawac canqowga ah, taageerayaasha kooxda ayaa ku ooriyay kulankii Ligue 1 ee isbuucan kadib markii laga badiyay.
Neymar ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona sannadkii hore, inkastoo uuusan bixin, qandaraaskiisa Parc des Princes ma dhacayo ilaa dhamaadka badda 2024-25.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in PSG ay aad u dooneysay inay iska kaxeyso Neymar, Fichajes ayaana haatan sheegaysa in tababaraha Man City Pep Guardiola uu jeclaan lahaa inuu xiddiga reer Brazil keeno Etihad.
Neymar ayaa loo diiwaan galiyay shan gool iyo shan caawin 20 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.