Himilo – Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u yihiin in ay ku dagaalamaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Conor Gallagher.
22 jirkaan oo amaah kula jooga Crystal Palace ayaa dhaliyay siddeed gool, caawiyayna shan kale 29 kulan oo uu saftay kooxda tartamada oo dhan.
Gallagher ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda koowaad ee Chelsea xilli ciyaareedka 2022-23, balse waxaa jira tukun ah inay kooxo waa wayn gadan karaan.
Sida laga soo xigtay The Sun, Juventus iyo Inter Milan ayaa labaduba isha ku haya xaalada ciyaaryahanka khadka dhexe ka dib markii ay kormeere u direen inuu soo daawado kulankii Palace iyo Manchester City todobaadkii hore.
Wararka ayaa sheegaya in Crystal Palace dhankeeda ay doonayso inay heshiis rasmi ah ka saxiixdo Gallagher, laakiin uma badna inay awoodo inay dhaqaale ahaan kula dagaallamaan kooxaha yurub.