Himilo – Dowladda Hindiya; ayaa ka mid noqotay dalal tiro yar oo adeegsada Internet-ka xawaaraha badan ee 5G ama jiilka 5aad kaas oo laga hirgeliyay meelo badan oo ka mid ah waddanka Hindiya.
Adeeggan 5G ayaa lagu billaabay Leyrarka Cadceedda ku shaqeeya, Nalalka waddooyinka ee Samaafaraha, Goobaha Gawaarida lagu meeleeyo, Boorarka Xayeysiiska, goobaha Gawaarida laga raaco, Musqulaha/ Suuliyada dadweynaha, iyo Sanaadiiqda Boostooyinka, sidaas ayeyna Hindiya ku noqotay dalalka ugu horreeya ee u guuray adeegga 5G oo ah kan ugu casrisan Internet-ka hadda jira uguna xawaaraha badan.
Sidoo kale Garoonka diyaaradaha Delhi, magaalada caaqilka ah ee Bhopa; bosteejada Tareenada ee Bangalore, iyo Dekadda Kandla ee Gujurat ayaa ka mid ah goobaha laga hirgeliyay adeegga 5G.
Hay’adda Maamulka Isgaarsiinta Hindiya ee Traj oo kaashaneysa sharikadaha Isgaarsiinta ee kala ah; BSNL, Vodafone Idea, Reliance iyo Airtel, ayaa adeeggan ka billaabay afar magaalo oo waaweyn.
Hay’adda Maamulka Isgaarsiinta Hindiya ee Traj; waxaa ay sheegtay in dhamaadka sanadkan 2022 ay Magaalooyin waaweyn heli doonaan adeeggan oo dhameystiran kuwaas oo ay ka midyihiin; Delhi, Mumbai, Kolkata, Chennai, Bangalore, Hyderabad iyo Pune.