Home / Cayaaro / Manchester United oo ku talo jirta inay u dhaqaaqdo Tammy Abraham

Manchester United oo ku talo jirta inay u dhaqaaqdo Tammy Abraham

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay miisaamayso dalabka xagaaga ee weeraryahanka Roma Tammy Abraham.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa Roma kaga soo biiray Chelsea bishii Ogosto ee la soo dhaafay qiiimo ka hooseeya kan lagu heli karo.

Xiddigan ayaa  olole aad u wanaagsan kula qaadanaya  kooxdiisa Talyaaniga, isagoo u dhaliyay 23 gool, waxaana loo diiwaan geliyay afar caawin 40 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Il Messaggero, Man United ayaa isha ku heysay qaab ciyaareedka weeraryahanka xilli ciyaareedkan, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Heshiiska Abraham ee Rome dhacaya June 2026. Sidoo kale Chelsea ayaa laga yaabaa inay dib ugu soo gadato adduun lacageed gaaraya €80m (£66.7m).

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan