Himilo – Sri Lanka ayaa kansashay imtixaanka malaayiin arday ah oo dhigta iskuulada, kaddib markii dalkan uu ka dhamaaday warqadihii daabacaadda sababtoo ah waxaa gabaabsi ah helidda sarifka lacagaha qalaad gudaha caasimadda Colombo oo lagu soo dhoofsan lahaa badeecooyinka.
Maamulka waxbarashada ayaa sheegay in imtixaanada saddex biloodlaha ah, oo markii hore loo qorsheeyay inay bilaabmaan Isniintii aanu soo dhaafnay ee toddobaadkan, in dib loo dhigay muddo aan la cayimin, taas oo sabab u ah dhibaatada dhaqaale ee sii xumaaneysa ee heysata Sri Lanka tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1948-kii.
Agaasinka waxbarashada ee gobolka galbeed ayaa cadeeyey in maamulayaasha dugsiyadu aanay qaadi karin imtixaanada,sababo la xiriira in aanay awoodin in la sugo lacagaha qalaad si ay u soo dejiyaan warqadaha iyo qadda lagama maarmaanka u ah daabacaadda.
Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in tallaabadan ay horseedi karto inuu hakad ku yimaado imtixaanaadka ku dhawaad 4.5 milyan oo arday ah oo gaaraya saddex meelood labo meel.
Imtixaannada simistarka waa qayb ka mid ah nidaamka qiimaynta joogtada ah si loo go’aamiyo in ardayda loo gudbin karo fasalka xiga iyo in kale. Dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatay yaraanta kaydka sarifka lacagaha qalaad ee lagu maalgeliyo badeecadaha daruuriga ah ee la soo dejiyo ayaa horseeday hoos u dhac ku yimid kaydka cuntada, shidaalka iyo kaydka dawooyinka ee dalka.
Waddanka Koonfurta Aasiya ku yaalla oo ay ku nool yihiin 22 milyan oo qof ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay inay raadin doonaan qorshe samatabbixin ah oo ka socda Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF si loo xalliyo dhibaatada deynta dibadda ee sii xumaanaysa iyo kaydka dibedda.
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa xaqiijisay Jimcihii inay eegeyso codsigii lama filaanka ahaa ee Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa ee ahaa in uu kala hadlo qorshe samatabbixin ah.
Lacagaha qalaad ee ku jira bangiyada Sri Lanka ayaa lagu qaddaray adduun dhan $2.3 bilyan dabayaaqadii bishii tagtay ee Febraayo.
Waxaa dalka oo dhan ka bilowday safaf dhaadheer oo lagu soo iibsanayo waxyaabaha daruuriga ah iyo shidaalka, iyadoo dowladdu ay waqti cayiman ay bixineyso adeegga korontada, isla markaana ayna jaan goyneyso sicirka lagu iibiyo caanaha, sonkorta, digirta iyo bariiska.
Sri Lanka ayaa horaantii sannadkan weydiisay Shiinaha – oo ka mid ah deyn bixiyayaasha ugu weyn – inay ka caawiyaan dib u dhigista bixinta deynta, laakiin ma jirto jawaab rasmi ah oo ilaa hadda ka timid Beijing.