Home / Cayaaro / Haaland ‘wuxuu diiday dalabkii ugu horreeyay ee Manchester City’

Haaland ‘wuxuu diiday dalabkii ugu horreeyay ee Manchester City’

Himilo – Weeraryahanka Borussia Dortmund, Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalabkii ugu horreeyay oo uga yimid Manchester City.

Citizens-ka ayaa loo maleynayaa inay ka mid tahay labada kooxood ee hormuudka ka ah saxiixa 21 jirkaan suuqa xaggaaga, iyadoo kooxda Pep ay tartan kala kulmeyso Real Madrid.

Sida laga soo xigtay AS, Man City ayaa miiska u saartay heshiis 500 kun ginni todobaadkii, laakiin soo jeedintaas waxa si deg deg ah u diiday xiddiga Haaland.

Haaland ayaa 23 gool u dhaliyay Dortmund kulamo badan xilli ciyaareedkii 2021-22. Dortmund waxay raadin doontaa iibkiisa100 milyan euro (£ 83m) xagaagan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan