Home / Cayaaro / David Moyes: ‘Declan Rice wuxuu ku fadhiyaa in ka badan 150 milyan ginni’

David Moyes: ‘Declan Rice wuxuu ku fadhiyaa in ka badan 150 milyan ginni’

Himilo – Maamulaha West Ham United David Moyes ayaa aaminsan in Declan Rice uu ku fadhiyo in ka badan 150 milyan ginni, iyadoo lagu soo waramayo inay xiiseynayaan kooxo badan oo Premier League ah.

23-sano jirkaan ayaa si xoog leh loola xiriirinayay labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester United in muddo ah, halka Manchester City sidoo kale loo aqoonsaday inay xiiseyneyso.

Bal se Moyes ayaa ku adkeysanaya in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan iib aheyn, waxaana uu aaminsan yahay in qiimeyntiisa uu aad u sarereeyo haddii la gadayo.

Rice, oo qandaraas kula jira garoonka London Stadium ilaa June 2024, ayaa wadar ahaan u saftay 183 kulan West Ham tartamada oo dhan, wuxuuna sidoo kale u ciyaartay 29 jeer xulka qaranka England.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan