Himilo – Muqdisho waxaa ku nool dad lagu qiyaaso in ka badan labo milyan. Wixii ka dambeeyay sanadkii 2012, waxaa ku soo quryo noqonayay qurbo joog sannado ka maqnaa caasimadda. Noocyada kala duwan ee gaadiidka ayaa laga helaa magaalada. Jidadkeeda ayaa ah kuwo la dhisay xilligii dawladdii dhexe iyo ka hor.
Waxay u dhisan yihiin hab aan la jaan-qaadi Karin tiknolojiyadan casriga iyo farsamadeeda cajiibka ah. Dhismahooda wuxuu ilaa iyo hadda ku saleysan yahay gaadiidkii wakhtigaa la adeegsan jiray iyo hab nololkii xilligaas ka jiray magaalada. Baahida dhanka jidadka dadka deggan Muqdisho waxay ula kulmaan si maalinle ah.
Hadda, jidadka magaalada waxay maalin kasta marti geliyaan gaadiid ka tan weyn awoodooda. Tani waxay keentay inay waddooyinku noqdaan ciriiri maridooda lagu rafaado. Waxaa dhaceysaa inaad meel lagu tagi lahaa labaatan daqiiq ay kugu qaadato inaan cagta saaro saacad ama ka badan.
Saameynta nololeed ee ka dhalatay ciririiga ka jira laamiyada magaalada waxaan u kala qaadeynaa dhowr qeybood oo waa weyn waxay kala yihiin;
Saameyn waxbarasho
Waxaa suurowda inaad tahay arday xiisad u carara ama u degdegga imtixaan, balse nasiib darro jidadka magaalada xaaladda ka jirta waxay kuu horseedi kartaa inaad si lama filaan ah uga baaqato ama uga habsaanto dedaalkaagii aqoon kasbashada, tani waxay dabreysaa guushaa nolosha.
Sidoo kale markaad tahay bare u kallahaya ama u baqoolaya bixinta cashar wakhtiguna ku cirbinayo hadana aad ku beeganto waddo ciriiri ah waxaa lama huraan noqoneysaa inaad goor sheegta marba isha ku xaddo isla markaana aad ka gaabiso masuuliyadaadii dersi dhigista. Tani waxay dhibaato ku tahay xiriirka saddex geesoodka ah ee baraha, ardayga iyo maamulka goobta waxbarasho.
Saameynta ganacsiga
Waxaad u soo kabo qaadatay inaad tagto goobtaada shaqada ha ahaato meel aad leedahay ama aad ka hawl gasho ama gaadiid aad waddo. Ujeedku wuxuu yahay inaan soo dhacsato biilkaaga iyo kan reerka. Si wax fiican aad u soo saarto waxaa dooneysaa inaad xilli hore bilowdo shaqada balse ciriiriga jidadka Muqdisho waxay kuu sababi karaan inaad ka dib dhacdo shaqada kadibna uu qiil-qiil galo biilka.
Ganacsiga wuxuu leeyahay xilliyo laga helo macaash wanaagsan oo macaamiishu diyaar yihiin. Inaad ka daahdo xilligaa waxay soo dedejisaa inay kaa niyad jabaan oo ay u wareegaan xarumo kale dadkii kugu xirnaa. Sidoo kale darawaladda gaadiid ciriiriga waddooyinka wuxuu ku yahay caqabad ciriirga saacadaha dheer ah wuxuu hoos u dhigaa wax soo saarkooda masruufka reerahooda.
Saameynta caafimaadka
Dhacdooyinka ka dhaca Muqdisho iyo xaaladaha kale ee caafimaad ayaa marar badan horseeda inay qof iyo ka badanba u baahdaan gargaar degdeg ah. Nasiib darro se ciriiriga ka jira jidadka magaalada Muqdisho waxay dhibaato dhab ah ku yihiin badbaadinta bukaannada ku sugan xaaladaha samata-bixinta u baahan. Ciriirigaas wuxuu sababi karaa in bukaanka lagala daaho xarun caafimaad kadibna uu nolol seego ama aad u dhibtoodo.
Mushkiladahan iyo kuwo kale ayaa ka abuurma ciriiriga jidadka magaalada waxay si toos ah u taabteen una taabanayaan dadka Muqdisho inta xal looga helayo. Inkastoo qaab dhismeedka jidadka uu dowr ku leeyahay ciriiriga waddooyinka magaalada Muqdisho haddana waxaa jira tallaabooyin wax lagu fududeyn karo.
Nadaamka marinka jidadka oo wax badan laga beddelo sida in gawaarida waa weyn xilli gaar ah loo sameeyo in isgoysyada magaalada la geeyo ciidamo taraafiko ah oo si joogto ah uga hawl gal; iyo in sare loo dhigo heer aqooneed ee waditaanka iyo marista waddooyinka oo la siinayo wadayaasha kala duwan ee gaadiidka.