Home / Dhaqaale / Diyaar garowga ciiddul Fidriga oo ka socda suuqyada Muqdisho

Diyaar garowga ciiddul Fidriga oo ka socda suuqyada Muqdisho

Himilo – Suuqyada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowga Munaasibadda ciidda soonfur ee nagu soo wajahan.

Dad isugu jira carruur iyo Cirroole ayaa camiray suuqyada, waxaana ay iibsanayaan dharka iyo waxyaabaha kale ee ay ugu talagaleen maalmaha Ciidda.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Xamarweyne ayaan weydiinay Ciiddan isbeddelka suuqa ku yimid maaddaama sicir barar jiro,waxyaabaha ay iibinayaan iyo sida ay macaamiishooda ugu qanciyaan in ay iibsadaan waxa ay ku hayaan goobahooda ganacsi.

“Macaamiisha waxaan u diyaarinay dharkii ay ku ciidi lahaayeen oo aad u qiimo yar, waxaan leenahay ku soo dhawaada gacmo furan.” Sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dadka iibiya dharka.

Dadweynaha ka dukaameysanayay suuqa qaarkood ayaa inooga warramay waxyaabaha ku cusub ciiddan iyo sida uu yahay dukaameysigooda.

“Halkan waxaan ka soo doontay wixii aan ku ciidi lahaa [dharkii ciidda] sida khamiisyada, kabaha iyo barfuun.” Sidaas waxaa noo sheegay mid ka mid ah dadkii u yimid suuga inay wax ka gataan.

Iyada oo inta wax heysata ay ciidsiinayaan Carruurtooda waxaa jira kuwa aan awoodin in ay ka farxiyaan carruurtooda,waxaase muhiim ah in qof kasta oo carruurtiisa u iibiya dhar uu ugu yaraan isku dayo in uu cunug ka mid ah kuwa danta yar ee uu garanayo ka farxiyo.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan