Himilo – Cabdullaahi oo ah aabbaha siddeed carruurta, wuxuu nolol maalmeedka qoyskiisa ka soo saaraa wareejinta barkimo uu farsameeyo.
Wuxuu maalintii ka helaa lacag u dhaxaysa 5-7 doollar, balse maalmaha qaar ayuu sheegay inaysan waxba u gadmin barkimada.
Barkimada uu sameeyo waa kuwo ay kursiga dhigtaan darawalada mootooyinka iyo caasiyada. qoyska ninkan waxay deggan yihiin hal qol iyo barso lagu caawiyay.
Xirfaddan oo uu tilmaamay inuu waddo labaatan sano, wuxuu xusay inay dantu u geystay maadama uusan laheyn xirfaddo kale.
Waxbarashada carruurtiisa iyo biilka reerka wuxuu ka soo saaraa shaqadiisa muruq maalka ah, waxyaabaha uu ka sameeyo barkimada ayuu sheegay in waagii hore uu lacag la’aan ku heli jiray balse hadda uu ku qasbanaaday inuu soo gato.
Gelinka hore wuxuu ku hawlan yahay sancaynta barkimada, halka gelinta dambe uu ku dhex lugeeyo waddooyinka isagoo raadinaya cid ka gadata.
Afar ka mid ah carruurtiisa ayuu waxbarashada kaga bixiyaa shaqadiisa xoogsiga ah, wuxuu intaa ku daray in carruurtiisa uu doonayo inay markay waxbartaan ka nasiyaan shaqadan.