Himilo – Koox dhallinyaro ah oo dhiigoodu wada yahay O- ayaa si lacag la’aan ah dhiig ugu deeqa bukaanada xaaladaha degdegga ah ku sugan ee ku jira isbitaalada magaalada Muqdisho.
Dhallinyadan oo si is-xil-qaan ah isku abaabulay sanadkii 2019, ayaa bil kasta caawiya bukaanno u baahan gargaar degdeg ah oo dhanka dhiiga sida hooyooyinka ilmaha lagu qalo ama dadka dhaawacma.
Sama falayaasha Dhiigga O- waxay tiradoodu gaareysaa 450, waxay leeyihiin taleefanno laga heli karo oo ay soo wacaan bukaanada iyo hawl wadeennada isbitaalada marka ay jirto baahi darran.
Waxay inoo sheegeen inay is-xilqaameen markii ay arkeen bukaanno waayay dhiigga O- oo ah mid ay adag tahay in la helo sabab la xiriirta dadka O- ah oo yar awgeed.
Kooxdaan waxay leeyihiin system ay ku wada jiraan dhammaan xubnaha oo laga ogaado dadka dhiig bixintoodu ka soo wareegtay 3 bil ee diyaarka u ah dhiig shubista.
Waxay si bile ah u caawiyaan 40 bukaan. Waxaa ku soo biira dad cusub oo dhiigoodu yahay O-. Baahida loo qabo dhiiga O- ayay xuseen inay tahay mid aad u badan.