Himilo – Tababaraha Kooxda Kubadda Cagta ee AC Milan Stefano Pioli, ayaa laga xaday Billaddee laba habeen ka hor uu ku guuleystay kaddib markii ay Kooxdiisa 11 Sano kaddib ku guuleysatay Serie A-da waddanka Talyaaniga.
Milan ayaa kulankii ugu dambeeyay ku badisay 3-0 oo ay ku garaaceen kooxda Sossuolo.
Tuugada xadday billadda tababare Pioli ayaa soo dhigay Barta Instagram iyada oo lagu dul qoray “Mahadsanid Pioli”.
Markii ay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa garoonka ku soo xoomay taageerayaal jidbeysan,waxaana ay tuugada ka faa’ideysteen tababaraha laftiisa oo dhinaciisa ka faraxsanaa.
Tababare Stefano ayaa ku cataabay “fadlan ii soo celi,waa billadda kaliya ee aan heystee”.
Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa u sheegay Tababare Stefano in ay u beddeli doonaan, haddii aysan tuugada soo celin.
Macadda in burcadda xadday billadda tababaraha soo celin doonaan iyo in ay iska heysandoonaan.
Qofka Billadda soo geliyay bartiisa Instagram ayaa magaciisa loo arki karaa si wanaagsan lamase hubo in hay’adaha amaanka ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Labadii sano ee ugu dambeeyay Kooxda Serie A-da Talyaaniga ayaa waxaa ku guuleystay kooxaha Magaalada Milan ee Inter iyo AC Milan.
Inter ayaa sanadkii hore qaadday 11 sano oo uu ka maqnaa kaddib,waxaa kaalinta 2aad ku dhameysatay AC Milan, halka sanadkan 11 sano kaddib qaadday AC Milan, Interna ku dhameysatay kaalinta 2aad sanadkan.
Qore: Aadn Showqi