Home / Cayaaro / Dhacdooyinkii laga diiwaangeliyay kama dambeystii UCL ee Liverpool iyo Real Madrid

Dhacdooyinkii laga diiwaangeliyay kama dambeystii UCL ee Liverpool iyo Real Madrid

Himilo – Xalay caasimadda Waddanka France ee Paris ayaa lagu soo gaba gabeeyay tartanka ugu xiisaha badan qaaradda Europe ee UEFA CHAMPIONS LEAGUE.

Kulanka ayaa u dhaxeeyay Kooxaha Liverpool oo ka socotay England iyo Real Madrid oo ka socotay Spain, waxaana labada koox ay ka soo baxeen 32 koox oo lagu billaabay tartanka.

Ciyaarta ayaa qeybtii hore ku dhamaatay bar barro 0-0 ah, hayeeshee markii la isku soo laabtay ayaa daqiiqaddii 59aad Real Mdrid heshay gool waxaana u dhaliyay Vinicius Jr, kaas oo ay ciyaarta ku dhamaatay Realna u gacab geliyay koobkeedii 14aad ee Qaaradda Europe.

Goolhayaha Real  Madrid oo horay ugu soo ciyaaray Chelsea oo ka dhisan England ayaa Liverpool u diiday koobka kaddib markii uu badbaadiyay 7 kubbadood oo gool loo filanayay.

Thibaut Courtois, oo qaatay ciyaaryahanka Garoonka ayaa sheegay sababta uu isu adkeeyay ahayd in uu sumcaddiisa Ingiriiska soo celiyo maaddaama aan laga xushmeyn England sida uu hadalka u dhigay.

Salah iyo Mane ayaa ula tagay fursadihii ugu wanaagsanaa waana uu ka badbaadiyay, labada ciyaaryahan ee ka soo jeeda Afrika ayaa ku fashilmay in ay ka aarsadaan Real Madrid oo koobkan ka qaadday 2018kii.

Tababaraha Real Carlo Ancelotti  ayaa isku tilmaamay tababaraha tababarayaasha kaddib markii uu ku guuleystay koobkiisii 4aad ee Champions League.

Marcelo oo ka mid ah ciyaartoyda Real ayaa kulankiisii ugu dambeeyay u dheelay Real,waxaa uu muddadii uu joogay kula guuleystay 5 Champions League oo uu kii xalay ka midyahay, 6 Spanish Leagues, 3 European Super Cups, 2 Del Rey Cups, 5 Spanish Super Cups iyo 4 Club World Cups.

Madrid oo ah kooxda ugu guulaha badan tartankan ayaa xalay heshay kii 14aad waxaana ay 7 koob ka sarreysaa kooxda ku soo xigta ee AC Milan ee waddanka Talyaaniga.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan