Home / Cayaaro / FA-ga France: “35k taareeyaal Tikid la’aan ah ayaa yimid garoonkii ciyaarta Finalka”

FA-ga France: “35k taareeyaal Tikid la’aan ah ayaa yimid garoonkii ciyaarta Finalka”

Himilo – Xiriirka Kubadda Cagta Waddanka France ayaa warbixin ka soo saaray rabshadihii hareeyay ciyaartii Liverpool iyo Real Madrid ee kama dambeysta Champions League ee ka dhacday Magaalada Paris.

Dowladda France oo markii horeba diyaarisay 7k oo askar boolis ah ayaa sheegtay in labada kooxood loo ogolaaday in ay 40k oo taageerayaal ah la soo galaan Garoomada hayeeshee waxaa garoonka bannaankiisa buuxiyay 35k kale oo taageerayaal labada kooxood ah oo heystay tikid been abuur ah amaba doonayay in ay xoog ku daawadaan.

Rabshadaha ayaa sababay in Booliska adeegsadaan suntan dadka ilmada ka keenta waxaana dadka ay saameysay ka mid ahaa carruur10 jir ah oo la socday waalidkood.

UEFA waxaa ay sheegtay in ‘79,200 taageerayaal ah ay adeegsadeen gaadiidka dadweynaha ee Paris, oo gaarayay 21 Bas, Xiriirka Europe ayaa sheegay in uu casuumay 6kun oo darawalada sida gaar ah u shaqeysta iyo 4100 qof oo taageerayaal Gawaaridooda watay.

Xiriirka Kubbadda Europe ayaa sheegay in a magdhow siin doonaan 2,700 oo taageeyaal ah kuwaas oo heystay Tikid sax ah oo ay iibsadeen hayeeshee loo diiday in ay Garoonka galaan.

Koobka Champions League ayaa waxaa markii 14aad qaadday Kooxda Real Madrid halka Liverpool ay dooneysay in ay qaaddo markeedii7aad.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan