Himilo – Biyuhu waa mushkiladda ugu badan ee ay wajahaan dadka Soomaaliyeed marka ay yaraadaan dad badan ayaa dalka ugu geeridooda halka marka ay bataana dadbadan ay ku dhibaatoodaan fatahaadaha ka dhasha oo keena in laga qaxo.
Mushkiladda ugu weyn ee dalka ka jirtay dhowrkii bilood ee ugu dambeysay waxay aheyd abaaraha oo dalka ku soo noq-noqday arrintaa oo dhalisay inay le’daan xoolihii ay dadku ku noolaayeen halka xaalku uu hadda ka sii darayo oo gobolada qaar laga soo werinayo geeriyada carruur yaryar oo haraad u dhintay, Abaaraha ayaa sameeyay dad iyo duunyaba, meelaha qaar ayaa laga soo sheegayaan inay dadkii bilaabeen inay geeriyoodaan.
Walaaaca bani’aadminimo ee ka taagan gudaha dalka, ayaanan weli helin taageeradii loo baahnaa in looga jawaabo, welina waxaa kordhaya dhimashada xoolaha iyo dadka. Abaarta oo ku fiday dhamaan dalka ayaa waxaa ugu daran tan ka taagan koonfurta Soomaaliya gaar ahaan degaannada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland.
Wararku waxa ay sheegayaan in saacidhii la soo dhaafay ay gobolka Gedo ku dhinteen carruur walaalo ah sida uu xaqiijiyey wakiilka madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha Cabdiraxaman Cabdishakuur. Dadka ku nool degaannadaasi ayaa indhaha laga daawanayaa iyagoo ilaa xilligan aanan helin gurmad dhab ah oo wax ka tari kara waayaha adag ee ay abaartu dhaxalsiisay.
Abaaraha Soomaaliya ayaa ah kuwa ka dhashay roobkii gu’ga ee sanadkan da’ay oo yaraa, iyo kuwii deyrta oo iyana aan badneyn, waxaana taas ay keentay wal walka maanta hareeyey bulshada Soomaaliyeed oo u badan xoolo dhaqato iyo beeraley.
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay macaluul ka dhalan karta abaarta.