Home / Arrimaha Bulshada / Dhallinyaro la barayo xirfaddo ay ugu shaqeeyaan qoysaskooda oo danyar ah

Dhallinyaro la barayo xirfaddo ay ugu shaqeeyaan qoysaskooda oo danyar ah

Himilo – Sagaashan iyo kow arday oo isugu jira danyar iyo barakac oo aan hore wax u baran ayaa ka faa’iideysanaya mashruuc lagu barayo xirfado kala duwan oo lagu dhigo machadka Hano ee ku yaala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Waxyaabaha la baro ardayda waxaa ka mid ah nashqad sameynta, harqaanka, cillaan saarka iyo cunto karinta. Ujeedaha wax loo barayo ayaa ah inay xirfadaha ku caawiyaan qoysaskooda oo nolosha la daalaadhacaya.

Ardaydan oo laga soo xulay qoyas sabool ah oo deggan degooyinka Muqdisho iyo xeryaha dadka barakaca ah, waxay ka soo jeedaan qoysas iyada ka sugaya inay wx baraan. Waxaa la siiyaa lacag loogu tagay galay inay iskuulka ku yimaadaan kuna laabtaan.

Marka ay dhammeeyaan waxbarashada sida uu qorshuhu yahay mid kasta oo ka mid ah waxaa la siin doonaa qalab ka caawiya inuu ku abuurto shaqo u gaar ah, tani waa waxa ugu weyn ee ku beeraya himilada ah inay ka bixi doonaan hubanti la’aanta cunno.

Mashruuca xirfad dhisida ee u gaarka ah dhallinyarada aan awoodin inay iska bixiyaan kharasha waxbarshada waxaa maalgelinaya Hay’adda Save the Children.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan