Home / Cayaaro / Yaa ka dambeeyay Chelsea in ay Raphinha ka dulqaaddo Arsenal?

Yaa ka dambeeyay Chelsea in ay Raphinha ka dulqaaddo Arsenal?

Himilo – Kooxaha ugu tunka weyn Magaalada London ee caasimadda waddanka Ibgiriiska ee kala ah Arsenal iyo Chelsea ayaa ku dagaallamayay xiddiga Kooxda Leeds United ee Raphinha.

Arsenal ayaa warbaahintu hadal heysay in ay ku guuleysatay heshiiska xiddiggan hayeeshee saacadihii ugu dambeeyay ayaa la xaqiijiyay in uu isbeddelay go’aanka xiddigga oo u diga rogtay Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa la xaqiijiyay in ay miiska saartay £55m, oo ah lacagtii ay dalbatay Leeds,taas oo ka dhigeysa xiddigga in uu xagaagan ka dheelayo galbeedka London.

Wakiilka xiddigga Raphinha, ahna daaficii hore ee Chelsea Deco ayaa la xaqiijiyay in uu wahadalada saameyn ku leeyahay islamarkaana xiddigga u sheegay in uu Chelsea aado halkii uu aadi lahaa Arsenal.

Kooxaha ugu tunka weyn Horyaallada Qaaradda Europe ayaa aad uga faa’ideysanaya mudda koobane e uu furanyahay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda waxaana koox kasta ku dadaaleysaa in ay buuxiso booska ka banana inta uusan suuqu xirmin.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan