Himilo – Kun qoys oo kamid ah qoysaska barakaca ku yimid xeryaha degmooyinka Kaxda iyo Deyniile saddexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa hoy la’aan haysatay kaga baxay guryo loo dhisay.
Qoysaskan ayaa lagu soo xulay baahida ay u qabeen helidda gabaan oo ka badneyd qoysaska kale, waxay isugu jireen kuwo ciddo dulsaar ku ah iyo kuwo geedaha hoostooda seexan jiray.
Sidoo kale, qoysaska qaarkood waxay haystaan carruur badan, iyo dad waayeel ah, waxay hadda ku hoydaan guryaha lagu caawiyay oo ka sameysan alwaax iyo baco.
Hawsha guryaha waxaa fulineysa hay’adda African Volunteers for Relief and Development (AVORD) halka mashruuca ay maalgelisay hay’adda UNHCR.