Home / Cayaaro / Liverpool oo qarka u saaran inay ku guuleysato tartanka kooxaha ee hanashada Jude Bellingham

Liverpool oo qarka u saaran inay ku guuleysato tartanka kooxaha ee hanashada Jude Bellingham

Himilo – Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa in ay dalab rasmi ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.

19 jirkaan ayaa la filayaa inuu dhexda u galo loolan adag oo suuqa kala iibsiga ah xagaaga 2023 ka dib markii Dortmund ay ku guuleysatay inay sii haysato xilli ciyaareedkaan.

Liverpool ayaa loo arkaa mid ka mid ah kooxaha safka hore kaga jira saxiixa Bellingham, warbixin dhawaan soo baxdayna waxay sheegtay in Dortmund ay aqbali doonto 83 milyan ginni.

Marca – via Paisley Gates – ayaa sheegaysa in Liverpool ay dalab u soo bandhigtay da’yarkan iyaga oo doonaya in ay iska ilaaliyaan tartanka kooxaha sida Manchester City, Manchester United iyo Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay intaa ku dartay in kooxda Jurgen Klopp aysan ahayn kuwa ugu cadcad saxiixa Bellingham.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan