Dhaqanka Soomaalida ee wanaagsan waxaa ka mid ah Xifdinta Diinta Islaamka oo ay inta badan uga duwanyihiin Muslimiinta Caalamka.
Waxyaabaha Soomaalida u suurageliyay xifdiga Qur’aanka waxaa la isku raacsanyahay in uu qeyb ka yahay Subaca xilliyada ardeynimada Dugsiga iyo marka la waaweynaado intaba.
Si uusan Qofka Qur’aanka uga lumin, Subaca waxaa uu kaalin ka qaataa heynta Qur’aanka, fagaarayaasha Culimada Islaamka Soomaalida waxaa looga yaqaan xaafidiinta Qur’aanka.
Qoysaska Soomaaliyeed ayaa marka la gaaro Bisha Ramadaan u yeera Culimo,waxaa ay guryaha ku sameeyaan Waliimo, waxaana la aqriyaa Subac Soon, mararka qaar lagu tilmaamo dhaxal oo waaliddiinta uga tagaan Carruurtooda kuwaas oo iyana Subac Soonka halkiisa ka sii wada ilaa ay ku wareejiyaan Ubaadkooda.
Warbixintan Maxamed Qadar Cabdi ayaa ka diyaariyay.
Halkan ka daawo.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/1381047076065695