Dunida Muslimka oo laba maalin kala Ciideysa

In badan oo ka mid ah Waddamada Islaamka ayaa Maanta looga dabaaldagayaa maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga halka kuwo kale ay maanta u tahay maalinta 30aad ee Bisha Ramadaan.

Si isku mid ah ayaa Dunida looga soomay maalin qura oo ahayd 1dii Ramadaan 5 khamiis ka hor, hayeeshee waxaa la isku khilaafay maalinta Afka la furayo.

Dalalka uu hoggaaminayo Sucuudiga ayaa maanta u tahay maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga halka Dalal ay hoggaaminayaan Indonesia oo ah dalka ugu Muslimiinta badab Adduunka aysan ciideyn.

Dalalka Maanta laga Ciidayo dhinaca Carabta waxaa ka mid ah; Saudi Arabia, Qatar, Iraq, Palestine, Jordan, Syria, Egypt, Sudan, Yemen, Kuwait, United Arab Emirates iyo  Bahrain .

Dhanka kale dalalka kala ah; Oman, Indonesia, Malaysia , Sultanate of Brunei,  Australia, Thailand, Singapore iyo Japan ayaa laga soomanyahay maanta.

Inta badan Dalalka Muslimka ah ee ku yaalla Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale laga Ciidayaa maanta oo Jimco ah halka waddamada qaarna khilaaf ka jiro.

Soomaaliya ayaa guud ahaan maanta laga wada Ciiday kaddib markii Xalay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya shaacisay in dad badan ay arkeen kuwaas oo kala jooga Gobollada sidaasna looga Ciidayo maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga maanta oo Jimco ah.

error: Copy lama Ogola Fadlan