Himilo- Tan iyo 7-dii Oktoobar, dhowr dal ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dawladnimada Falastiin, iyagoo dib u cusboonaysiiyay ballanqaadkooda xal ku saleysan laba dawladood. Dalalkan waxay sidoo kale si mideysan uga soo horjeesteen go’aanka Israel ee ah qabsashada sharci-darrada ah ee dhulka Falastiin.
Sida uu sheegay falanqeeye Falastiini Ameerikaan ah, Ramzy Baroud, taageerada caalamka ee arrinta Falastiin ayaa si weyn u xoogeysatay xilli uu dagaalka wali socdo.
“Taageerada caalamiga ah ee Falastiin iyo shacabka Falastiin ayaa si weyn u kordhay tan iyo 7-dii Oktoobar,” ayuu yiri Baroud. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhaqdhaqaaqa Flastiiniyiinta uusan bilaabay 7-dii Oktoobar, balse uu ahaa howgal waqti dheer soo socday oo caalam-ka lagu tusaye in cadaalad daro halkaa ka jirto.
Inkasta oo warbaahinta reer Galbeedka ay isku dayayaan, sida uu sheegay Baroud, inay qariyaan sheekada Falastiin oo ay ka dhigaan xaalada Gaza ku kooban, haddana taageerada shacabka falastiin ay u hayaan dhaqdhaqaaqa gobanimo doonka ayaa sii xoogeysatay meel walba oo falastiiniyiintu ay joogaan.
“Dadka caadiga ah, meel kasta oo ay joogaan dunida, waxay noqdeen wariyayaal madax-bannaan,” ayuu yiri, isagoo xusay in dad badan oo saamyeyn baraha bulshada ku leh inay fariimaha reer falastiin gaarsiiyeen malaayin qof oo dunida ku nool, taas oo meesha ka saartay dacaayadii Israel ay faafineyse.
07 October iyo dhowrkii maalin ee ka dambeyse Israel iyo warbaahinta reer galbeedku waxay faafiyeen sheekooyin been abuur ah oo ku saabsan in falastiiniyiintu ay geesteen xasuuq fool xun intii uu socday weerarkii Xamas, balse arintaas way beenowday kadib markii laga dabo tagay dhamaan muuqaaladii iyo sawiradii ay baahiyeen sidaas waxaa yiri Baroud.
“Waxaa jira baarayaal badan oo wanaagsan, waxaa jira dad badan oo caqli badan oo aan iibsanayn dacaayadda Israel,” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in, taas beddelkeeda, warbaahinta Galbeedku ay si dhakhso leh “u iibsadeen dacaayadda Israel.”
Hada dowladnimada Falastiin waxaa aqoonsan 146 waddan. Waa waqtigii ugu muhiimsanaa oo xal rasmi ah loo heli lahaa dhibaatada Israel.