Home Habka-Nolosha Xiddigaha xulkeena Soomaaliya oo maanta dalka ku soo laabtay

Xiddigaha xulkeena Soomaaliya oo maanta dalka ku soo laabtay

3
9

Cayaartoyda qarankeena Soomaaliya xulkiisa 20 jirada ayaa maanta ka soo degay gegada Aden Adde Airport markii ay cayaar ku soo dheeleen magaaladda Adis Ababa.

Lugta koowaad ee isreeb reebka koobka qaramada Afrika 20 jiradiisa ayay xulku soo dheeleen, walow guuldarro dirqi ah ay soo gaartay.

Kullanka soo aadan ayayna u baahan doonaan cayaartoydeenu inay Itoobiya kasoo gaaraan guul hal iyo eber ah si ay u xaqiijiyaan inay u soo baxayaan koobka qaramada Afrika ee 20 jirada.

Kulanka soo aadan 22da bishan ayaa lagu dheeli doonaa Jabuuti oo dhul Soomaaliyeed ah, kulankaa ayaana ka dhignaanaya in Soomaaliya marti loo yahay.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan