Giroud o heshiis cusub saxiixaya kadib wada-hadal uu la yeeshay Wenger

Muqdisho – Laacibka Oliver Giroud ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay saxiix cusub oo uu la galo kooxdiisa Arsenal kadib markii wada-hadal dhab ah uu la qaatay macalinkiisa Wenger.

Weeraryahanka oo heshiiskiisu ku eg yahay sanadka 2018-ka ayaa qirtay inuu ka walaacsanaa mustaqbalkiisa Arsenal kadib markii uu boos joogto ah ka waayay naadigiisa.

Giroud dhaawac soo gaaray awgeed, ayaa booskiisa gool dhaliye waxaa galay Sanchez – mana uusan sameynin kusoo bilaabasho ciyaar taniyo Boxing Day.

Hayeeshe tiiyoo uu walaaciisa muujiyay, hadana Giroud ayaa sheegay inuu diyaar u yahay saxiixa heshiis cusub oo uu u dagaallamo booskiisa kadib markii macalin Wenger uu u xaqiijiyay inuu la dhacsan yahay ban-dhigiisa.

Giroud, oo 30-jir ah, wuxuu yiri: “Dadku waxay dhahayeen wuxuu saxiixay heshiis cusub. Sax ma ahan hayeeshe goor dhow laga yaabee.”

“Xagaagan aad buu iigu adkaa – dhaawacyo dhowr ah oo muddo bil aan ku maqnaa awgeed.”

Wenger ayaa quudarreynaya in, Giroud iyo Francis Coquelin, ay saxiixaan heshiisyo cusub oo ay ballaariyaan ilaa shan sanadood.

 

error: Copy lama Ogola Fadlan