Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada

Himilo – Maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada ayaa la xusaa sanad walba 12 Agoosto. Munaasabadan gaarka ah ayaa lagu xusayaa kartida, waxqabadka, iyo wax ku biirinta dhalinyarada aduunka. Maalintani maaha kaliya in la muujiyo dhibaatooyinka soo wajaha dhallinyaradu laakiin sidoo kale waxay ku saabsan tahay u dabbaaldegga doorkooda la-hawlgalayaasha lama huraanka ah ee dhisidda mustaqbal rajo leh.

Wasiirada dhalinyarada iyo matelayaal kale oo ka socday 146 dowladood iyo ismaamul oo caalamka ah ayaa ku yeeshay Lisbon caasimadda Bortuqiiska kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah, si dib loogu qaabeeyo siyaasadaha ku wajahan dhainyarada, loo dhaqan geliyo dib u eegesna loogu sameeyo.

Waxaa kulanka oo dhacay 12-kii agoosto 1998-kii gabagabadiisa laga soo saaray baaq qaatay magaca magaalada oo ahaa “Lisbon Declaration on Youth Policies and Programmes”.

Waxaa dowladihii iyo mateyaashii beesha caalamaka ee ka qeyb galayba ay ku balanqaadeen inay wax ka qaban doonaan dhinacyada ay saluugga ka qabaan dhalinyarada sida ka qeybgalkooda siyaasadda, horumarinta, nabadda, waxbarashada, caafimaadka, shaqaaleysiinta iyo kuwa kale.

Baaqaan waxa uu gabagabo u ahaa dadaalo sanado soo tixnaa oo sare loogu qaadayay siyaasadaha dhalinyarada heer qaran iyo mid caalamiba.

Marka laga yimaado taasi, kulankaasi waxa uu sidoo kale gogol xaar u ahaa helidda maalin caalami ah oo u gaar ah dhalinyarada dunida .kaddib 17-kii bishii December, fadhi ay yeesheen golaha lo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa lagu iclaamiyay maalintan oo lagu asteeyay 12-ka agoosto.

Balse midkii xigay ee 1990-kii ma noqon in la qabto dabbaal degaya maalinta caalamiga ah ee Dhalinyarada oo waxaa markii ugu horreeysay la maamusay   sanadkii 2000-dii.

Iyadoo aduunku u  dabaaldego Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada berri, Agoosto 12, himilooyinka in ka badan 1.3 bilyan oo rag iyo dumar dhalinyaro ah ayaa u muuqda kuwo si la yaab leh isugu eg, inkastoo ay jiraan deegaanno iyo duruufo kala duwan oo ay ku nool yihiin. Raadinta fursadaha shaqo, waxbarasho wanaagsan, iyo nolol ammaan ah oo waara ayaa mideysa jiilkan adduun ay ku socoto isbeddello dhaqaale, juqraafiyeed, cimilo, iyo tignoolajiyadeed oo degdeg ah.

Halku-dhegga Maalinta Dhalinyarada Caalamiga ah ee 2026 ayaa loo qaatay  “Duruufo Kala Duwan, Himilooyin La Wadaago,”. Mowduucaan wuxuu xambaarsan yahay farriin ka baxsan dabaaldegga astaanta leh; wuxuu ugu baaqayaa dowladaha iyo bulshada caalamka inay dib u eegaan siyaasadaha loogu talagalay dhalinyarada, iyagoo ka fogaanaya fikradaha khaldan.

Arrimaha  dhalinyarada ayaa safka hore kaga jira ajandaha caalamiga ah, iyadoo ay sii kordhayaan caqabadaha jiilkan ka dhigaya kuwa ugu horreeya ee la tacaalaya saameynta shaqo la’aanta, isbeddelka cimilada, isbeddelka dijitaalka ah, iyo caafimaadka maskaxda.

Waxaa jira qiyaastii 1.3 bilyan oo dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 24, kuwaas oo matalaya qiyaastii 16 boqolkiiba dadka adduunka. In kasta oo dhalinyarada ku nool wadamada horumaray ay ku raaxaystaan ​​fursado badan oo ku saabsan hal-abuurka, tignoolajiyada, iyo isgaarsiinta, haddana asxaabtooda ku nool wadamada soo koraya ayaa wajahaya caqabado halis gelinaya helitaanka fursadahaad.

Xogta ugu dambeysay ee ILO ee 2026 waxay sawir walaac leh ka bixinaysaa suuqa shaqada adduunka. Iyadoo heerka shaqo la’aanta adduunka uu weli deggan yahay 4.9 boqolkiiba, shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay gaaraysaa 12.4 boqolkiiba, taasoo ka badan labanlaab heerka guud. Xogta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in 27.9 boqolkiiba dhallinyarada ku nool waddamada dakhligoodu hooseeyo aysan shaqeyn waxna baran, ama aysan helin wax tababar xirfadeed ah, taasoo muujinaysa farqiga sii kordhaya ee fursadaha loogu talagalay dadkan.

Sannadkan, Maalinta Dhalinyarada Caalamiga ah waxay yeelanaysaa muhiimad dheeraad ah iyadoo suuqyada shaqadu ay galayaan marxalad cusub oo ay wadaan otomaatiga iyo sirdoonka macmalka ah (AI).

Waxaa lagu qiyaasaa in marka la gaaro 2050, qiyaastii 69 boqolkiiba dhalinyarada adduunka ay ku noolaan doonaan wadamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexe, taasoo ka dhigaysa maalgashiga dadkan mid muhiim u ah dhaqaalaha iyo amniga adduunka, oo aan ahayn ikhtiyaar horumarineed oo keliya.

Iyadoo ay jiraan deegaanno iyo duruufo kala duwan oo ay dhallinyaradu ku dhashaan, haddana himilooyinkooda caddaaladda, sharafta iyo waaritaanka ayaa weli ah qodobka guud ee dhexdooda ah, iyo in ay mideeyaan awoodooda  si ay u wajahaan caqabadaha mustaqbalka.

error: Copy lama Ogola Fadlan