La kulan: Maxamed Alaa – Ninka Bisadaha Xalab

Muqdisho – Magaalada Suuriya ku taalla ee Xalab dabcan waa meesha ugu halista badan dunida maanta, hayeeshe halka in badan oo kamid ah daganayaasheeda ay isaga qaxeen si ay uga dheeraadaan dagaallada ka socda, hal nin ayaa u haray daryeelka boqollaal Bisado ah oo looga tagay cidlada.

Loo yaqaan ‘Ninka Bisadaha Xalab’, Mohammad Alaa Jaleel wuxuu daryeel siinayay Mukulaalaha taniyo markii ay dadku qorsheysanayeen inay qaxaan, waxay kaga tageen Yaanyuurahooda maadaama ay ogaayeen inuu jeclaa xanaaneyntooda.

Sida daran ee dagaalladu ugu shubmeen Xalab, sida badan ee nooluhu ugu soo yaaceen xaggiisa si ay cunno iyo gabaad uga helaan. Wuxuu aalaaba ku faraxsanaa inuu labadaba u dhameystiro – cunno iyo ilaalin. Maxamed wuxuu sheegay inuu daryeelka Bisadahan ku bilaabay 20-30, hayeeshe tiradu ay kasii badatay 100.

“Dadka qaar iyagaaba iiga tagay Bisadahooda maadaama ay ogaayeen inaan jeclahay,” ayuu yiri. “Aad baan u yaabay; waayo tiradoodu hadba way isasoo taraysay ilaa ay hadda ka marayaan 100 iyo dhowr.”

Gudaha warbixin ay ka diyaarisay BBC-da, Maxamed wuxuu sheegay in sheekadii ugu qiirada badneyd taniyo markii uu bilaabay xanaaneyntooda ay aheyd mid dhex martay isaga iyo gabar yar oo sidatay Bisad – taas oo qoyskeeda kala qaxaysay magaalada. “Waxay rabtay inaan usii haayo Bisadeeda inta ay kasoo laabaneyso; wayna ilmeyneysay markaas. Waxay igu laheyd ii balan-qaad inaad sawiradeeda iisoo diri doonto; marka aan imaadana igu soo wareejin doontid iyada oo nabad ah.”

Ninka Bisadda wuxuu sheegay in taniyo markii saaxibadiis ay ka tageen Xalab, Bisaduhu ay noqdeen Jaallayaashiisa rumaad. Mana ku riyoon inuu habeen ka dhaqaaqo. “Qalbi naxariis ay ugu jirto daryeelkooda malahan doorasho uu ku dayaco. Waan la joogi doonaa – dhib malahan wixii dhaca,” ayuu yiri.

Mohammand Alaa Jaleel wuxuu sidoo kale door muhiim ah ku yeeshay samata-bixinta dadka ku go’dooma dagaallada.

Hayeeshe, kalgacalka uu u qabo daryeelka Bisadaha, waxay na xusuusinaysaa Naoto Matsumura oo sidoo kale loo yaqaan  “The Last Man in Fukushima” kaas oo gurigiisa kusoo laabtay in yar kadib markii ay dhacday Tsunamidii 2011 si uu daryeel ugu fidiyo xoolaha dayacan ee ku nool degmadiisa.

23 4 57

8

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan