10 cayaaryahan oo PSG metelayay oo ku guuleystay Coupe de la Ligue goortii saddexaad oo xiriir ah

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ku xaqiiqsatay hanashada Couoe de la Ligue goortii saddexaad oo xiriir ah markii 2-1 ay ugu awood sheegatay kooxda Lille oo ay ku wada dheeleen Stade de France.

Lille ayaa u muuqatay inay farxad waali dareentay markii kaarka cas kooxda PSG laga siiyay  Adrien Rabiot cayaarta oo barbaro min gool ah aheyd, hayeeshee Angel Di Maria ayaa hankoodii laalay daqiiqaddii 74aad markuu goolka guusha ka dhaliyay, kaddib afar daqiiqo markii da’yarka qadka dhexe ka dheela garoonka laga saaray.

Javier Pastore ayaa hogaanka koowaad siiyay PSG cayaarta oo qeybteedii koowaad ay ka harsaneyd keliya shan daqiiqo, goolkaa ayaana nasiinada lagu kala aaday.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay  Djibril Sidibe ayaa nafta ku soo celiyay Lille daqiiqaddii 49aad ee cayaarta, inta aanu Di Maria wax walba go’aamin.

error: Copy lama Ogola Fadlan