MacluumaadWararka Muslimad xijaabkeeda ku badbaadisay Nin gubanaya! By radio himilo - October 2, 2017 0 7 Muqdisho – Haweeney Muslimad ah oo xijaabkeeda ku damisay nin ku gubtay shil gaari. “Markii aan arkay qof gubanaya waxaan sameeyey wax walba wixii iigu mudnaa,” ayay u sheegtay awaher Saif Al Kumaiti, wargeyska Khaliij Times. “Waxaan ka codsaday saaxiibtay oo gaariga ila saarnayd inay i siiso cabaayadeeda – iyadana ay gaariga kusii jirto.” Al Kumaiti waxay u soctay isbitaalka markii ay la kulantay laba gaadiid oo gubanaya iyo qof kaalmo weydiisanaya. Mid kamid ah darwallada Harkirit Singh ayaa ka baxsaday shilka – hayeeshe waxaa qabsaday dabka. “Durba waan ku cararay dhibanaha waxaana ku damiyay cabaayadda saaxiibtay,” ayay tiri. Sheekada 22-jirta oo ku baahday baraha bulshada waxaa aad u bogaadiyay booliska.