Muqdisho – Halyaygii hore ee kooxda Roma Francesco Totti ayaa shaaca ka qaaday isku dayo ku aadan in dhowr ciyaartoy uu ku qanciyo imaatinka Roma waayihiisii uu kabaha sitay.
“Waxaan mar walba sheegayay inaan u baahanahay inaan noqono geesiyaal si aan u guuleysano, Waxaan rajeynayay in ciyaartoyda aduunka ugu fiican ay yimaadaan kooxda, sida Ronaldo iyo Ibrahimovic, kaliya ma dooneynin xidigo ka ciyaara dhanka weerarka ee sidoo kale waxaan doonayay dhanka difaaca iyo khadka dhexe haddiin aan helayno” sidaan waxa laga hayaa Francesco Tott.
Waxa uu sii raaciyayay “Nasiib daro, waxaa jirtay xuduud, sababtoo ah ma aanan heeysan awood dhaqaale si ay kooxda u yimaadaan ciyaartoyda aan dooneyno, waxaan isku dayey inaan ciyaartoy waaweyn ku qal qaaliyo imaatinka Roma”.
Totti ayaa xirfadiisa oo dhan ku qaatay kooxda kubada cagta ee Roma, wuxuuna kula guuleystay horyaalka Serie A hal mar oo kaliya waana sanadkii 2001.