Home / Macluumaad / Aabihii Cafiska u hibeeyey Dilaagii Inankiisa!

Aabihii Cafiska u hibeeyey Dilaagii Inankiisa!

Muqdisho – Aabo cafiyay dilaaga inankeeda ayaa qoray buug ku saabsan habka bogsashada ee ku saabsan sheekadiisa qiirada leh.

Wiilka Azim Khamisa oo lagu magacaabo Tariq waxaa la toogtay 17 sano kahor isaga oo adeeg cunto fudud ka kooban u sida meel u dhow Jaamacadda San Diego State University.

“Markii aan ugu horreyn helay warka, waxaa igu jabtay qaman-dhaco kulul, waxaana aaaminay Ilaahay,” ayuu yiri Khamisa. “Xanuunku wuxuu ahaa mid laxawgiisu kulul yahay.”

Qofka xabadda ku dhiftay inankiisa wuxuu ahaa Tony Hicks oo 14-jir ah. Wuxuu ahaa qaan-gaarkii koobaad ee loo xukumo sida qof weyn, waxaana lagu riday xukun 35 sano ah.

9 bil kadib, Khamisa ayaa hir-galiyay ururka Tariq Khamisa Foundation oo uu ugu magac-daray inankiisa. Waxaa kale oo uu qoray buug lagu magacaabo ‘From Murder to Forgiveness: a Father’s Journey.’

Buugiisa hadda waa mid laga heli karo meelo badan oo dunida kamid ah.

“Marka waxa ku cusub buugani waa kulankii aan la yeeshay da’yarkii dilay inankayga,” ayuu yiri Khamisa.

Waxaa ku jira markii ugu horreysay ee uu waji-ka-waji u fiiriyo dilaaga wiilkiisa.

“Waxaan fiirinayaa indhihiisa aniga oo isku dayaya inaan ka dhex helo dilaa; waxaan arkay laakiin wuxuu ahaa bani’aadan kale,” ayuu yiri.

Khamisa wuxuu sheegay inay isla waqtigaas aheyd markii uu si dhab ah u cafiyay Hicks.

“Tayo kuma sugna noqoshada qof dhibane ah,” ayuu yiri. “Waxaan rabaa dib u hanashada noloshayda oo dhan.”

Hicks awowgiis, Ples Felix, wuxuu la shaqeeyaa Khamisa Foundation. Isaga oo ka hadlayay wixii uu wiilkiisa dilaaga ahi yiri markii uu la kulmay Khamisa, wuxuu yiri:

“Waana kaas ayuu dhahay, Awoowe waxaa jira qof gaar ah,” ayuu Felix ku bilaabay ararta hadalkiisa. “Waxaan ka dilay midka iyo wiilka kale ee uu dhalay – kaliyana muusan iga cafin danbigii aan galabsaday, wuxuu sidoo kale iigu deeqay shaqo inaan ka qabto ururka Tariq Khamisa Foundation marka aan soo baxo.”

Khamisa wuxuu sheegay inuu raaxo qalbi ah iyo qabow ruuxi ah dareemayo mar kasta oo uu dib u fiiriyo muuqaallada sawirrada wiilkiisa oo ugu dhagan aqalka.

“Wiilkayga wuxuu i dhigay barta ujeeddada nolosha,” ayuu yiri. “Taasina waa hadyad kasoo dhalaashay musiibadii iiga dhacday.”

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan