Home / Macluumaad / Aadaankii ugu horreeyey oo laga maqlay Qasriga Alhambra ee dalka Spain.

Aadaankii ugu horreeyey oo laga maqlay Qasriga Alhambra ee dalka Spain.

Madrid – Muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya Aadaankii ugu horreeyey ee laga maqlo qasriga Alhambra Palace ayaa ku baahay baraha bulshada. Dhawaqan wuxuu yeeray 500 sano kadib markii Muslimiintu isaga baxeen dhulkii ay lahaayeen ee al-Andulus oo maanta loo yaqaan Spain.
Aadaanka waxaa ku luuqeeyey Mouaz Al-Nass oo ah fannaan iyo madadaaliye bilowgii bishan. Waxaana daawaday in ka badan hal milyan oo qofood. Waxaa laga soo weriyay inuu yiri gidaarradu waxay waayeen dhawaqii Alle loogu yeeri jiray.
Qasriga Alhambra Palace waxaa dhisay boqorradii Muslimiinta ee xukumayay Qarnaada. Sanadkii 1492, waxay hoos timid taladii Masiixiyiinta. Waxaana loo beddelay maxtaf lagu ilaaliyo keydka Masiixiyadda iyo raadadkii ay ku reebeen Muslimiinta ay kala wareegeen al-Andulus ugu danbeyn.
Qasrigu wuxuu ahaa difaacii adkaa ee ugu danbeeyey difaacyadii Muslimiinta kahor inta aysan kala wareegin boqorkii Spain iyo marantidiisa – Ferdinand iyo Isabella.
Kahor markaas, Muslimiintu waxay Spain xukumayeen muddo 800 oo sano ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan