Himilo -AC Milan ayaa ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo daafaca dambeedka dhexe ee Manchester United Eric Bailly ka dib markii ay iska diideen qiimaha ay ku dalbatay Liverpool Dejan Lovren.
Tababaraha cusub ee Milan Marco Giampaolo ayaa la fahamsan yahay inuu soo bandhigay daafac dhexe oo cusub inay tahay muhiimadiisa ugu sarreysa ka hor xilli ciyaareedka 2019-20, markii kooxda laga dhaliyay 36 gool xilli ciyaareedkii hore.
Lovren ayaa ahaa dooqa ugu horreeyay ee Rossoneri, laakiin Liverpool ayaa dalbaneysa ugu yaraan 18 Milyan oo ginni oo ay ku dooneyso Croatian-kan, oo mushaar ahaan 4.5 Milyan oo Ginni u qaata taas oo dhibaato ku ah kooxda maadaama laga ganaaxay xilli ciyaareedka soo socda Europa League.
Tuttosport ayaa sheegaysa in AC Milan ay u weecatay Bailly, kaas oo ay aaminsan yihiin in uu ka qiima hooseeyo Lovren.
25 jirkan ayaa keliya hal sanno uu ka haray qandaraaskiisa Manchester United, waxaana uu ku dhacay xulashada Old Trafford, keliya siddeed kulan oo Premier League ah ayuu ku billowday xilli ciyaareedkii 2018-19, oo uu ku jiro seddex uu ka hoos shaqeeyay Ole Gunnar Solskjaer.
Bailly ayaa lagu soo waramayaa inuu ku farraxsan yahay inuu sii joogo United, lakiin kooxda ayaa raadineysa inay iska iibiso daafaca dhexe haddii ay ku guuleystaan soo xerogelinta Leicester City xiddigeeda Harry Maguire, kaas oo ay horay uga gudbiyeen labo dalab balse laga soo diiday.