Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa iska erisay leyliyaheedii Sinisa Mihalovij iyadoo soo magacawday Cristian Brocchi.
Macallin Mihalovij ayaa kooxda AC Milan leylinayay in ka yar 12 bilood.
47 jirkaan ayaa u horseeday kooxda Rossoneri shan kulan oo xiriir ah oo guul aanay gaarin horyaalka, taa ayaana dhigtay kooxda Lambordia ka dhisan inay u dhacdo booska lixaad, iyadoo aan rajo ka laheyn in xagaaga soo aaday ay ka qeyb gasho Champions League.
“Kooxdu waxay jeclaan laheyd inay u mahad celiso Mihajlovic shaqadii adkeyd uu xagaagan kooxda u qabtay,” sidaa ayay u qorneyd warbixin lagu daabacay mareegta bulsheed oo rasmiyan ay u leedahay kooxda AC Milan.
Cristian Brocchi ayaa inta ka harsan xagaaga sii hogaamin doona kooxda AC Milan sida ay madaxda kooxdu maanta xaqiijiyeen.
Brocchi oo 40 jir ah ayaa hogaamiyay kooxda yaryar ee Rossoneri isagoo waayihiisii cayaartoy kooxda San Siro ka dhisan metelay wax ka badan boqol kulan.