Himilo – Adama Traore maka mid noqon karaa saaxiibada ay Cristiano Ronaldo kawada ciyaari doonaan Turin?
Garabka kooxda Wloves ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxaha ugu weyn qaaradda Yurub, balse hadda Juventus ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro xiddigan.
Juventus ayaa dalbatay laacibka Wolves ee Adama Traore iyaga oo wadahadal la sameeyay wakiil Jorge Mendes, sida ay warisay Calciomercato.
Juve, Liverpool, Manchester City, Real Madrid and Barcelona ayaa lala xiriirinayay Traore, kaasi oo saameyn wanaagsan ku yeeshay kooxda Wolves ee ka ciyaarta Premier League.
Juventus ayaa dooneysa in xiddigo u ciyaara iyaga iska iibiyaan kuwaasi oo kala ah Douglas Costa iyo Federico si ay usoo qaataan laacibkan.