Home / Macluumaad / Adnan Menderes – Halyeygii Baraaruga Islaamiga ee Turkiga cusub!

Adnan Menderes – Halyeygii Baraaruga Islaamiga ee Turkiga cusub!

Muqdisho – Waa RW hore ee dalka Turkiga, Adnan Menderes. Intii u dhaxaysay 1950-kii iyo 1960-kii ayuu ahaa RW kaas oo saddex jeer oo xiriir ah ku guuleystay doorashada.

Wuxuu aad ugu nuglaa ilaalinta dhaqanka iyo akhlaaqda Islaamiga in lagu dhaqmo marka lala barbar-dhigo helihii Calmaaniyadda Turkiga: Ataturk, Kemal Pasha.

Wuxuu 50-meeyadii u ol’oleeyey sharciyeynta Aadaanka Salaadda – yacni in Carabiga lagu addimo kaas oo la mamnuucay si Turkiga looga dheereeyo shacaa’irta Islaamka.

Wuxuu dib u furay kumaankun masaajiddo ah dalka oo dhan oo horraantii wada xirnaa. Sanadkii 1960-kii, waa la daldalay markii milatarigu uu af-genbi ku qabsaday xukunka: sababta oo ah wuxuu idmay in Carabiga lagu aadaamo iyo sidoo kale jeedinta khudbad tilmaamaysa in Shareecada Islaamka laga dhigan karo sharciga qaranka haddii barlamaanku uu doono.

Bishii Sep 1990-kii, 29-guuradii kasoo wareegtay daldalaaddiisa, waa loo baroordiiqay, waxaana barlamaanku u aqoonsaday halyey baxay oo qadarin mudan.

Wuxuu noloshiisa u bixiyay soo nooleynta shacaa’irta Islaamka. In kasta oo uu geeriyooday, magaciisu wali wuu nool yahay.

Kumaankun dugsigo, waddooyin iyo isbitaallo ah ayaa loogu magac-daray oo ay ku jiraan Jaamacado caalami ah oo Turkiga ku yaalla.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan