Home / Madadaalo / Adolf Hitler: Ninka ka dhuunta magaciisa!!!

Adolf Hitler: Ninka ka dhuunta magaciisa!!!

Himilo – Waa dhacdo qabsata inta badan dadka leh magacyada shaqsiyaadka dunida ku reebay raadka xun amaba san.

Adolf Hitler Uunona, waa siyaasi dhawaan kusoo baxay doorashada dowlaha hooose ee dalka koofurta galbeed ee qaaradda Africa ku yaalla ee Namibia, ma shaac baxsaneen magaciisa balse markii ugu horreysay si sare ugu yeertay xaaskiisa markaas oo la dul dhigay callaamad su’aal wayn.

“Wax xiriir ah igalama dhaxeeyo siyaasadda xisbiga Naazigii Jarmalka ee Adolf Hitler ma doonayo inaan xoog ku qabsado dunida” ayuu u sheegay wargeyska Germany laga leeyahay ee Bild.

Waxa uu ku dooday in aabihii uusan fahansaneen halka uu dunida ka taagnaa Hitler markii uu magaca u bixinayay, markii uu korayna uu ogaaday in ninkaasi doonayay in uu wadamada dunida gumeysto.

“Ma doonayo inaan madadaalo ka dhigo wadahadalka, ma jireyso sabab aan halkaan u fadhino annaga oo wada sheekeysiga dhan ka dhigeyna magacgeyga” ayuu Hitler u sheegay AFP oo ka dalbatay wareysi la xiriira magaciisa iyo sida uu ugu baxay.

Mushkiladda siyaasigan ka haysata magaciisa waa mid u laabaneysa xilligii gumeysiga, Namibia waxey ka mid ahaa dalalkii fara ku tirisga ahaa ee ku jiran gacanta Jarmalka.

Sida la wada ogyahay, markii ay ka xoroowday sanadkii 1990-kii waxaa uu kaga tagay luuqaddiisa iyo dhaqankiisa, waana tan wadooyin badan oo ku yalla Namibia u leeyihiin magacyo Jarmal ah oo magaca Hitler-na kaga mid yahay kuwa loo bixiyo caruurta.

About Sadia Nour

One comment

  1. fincar finasteride online canada The results here reported showed no effect of the two drugs on Ki 67 LI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan