Home / Cayaaro / Afar arrimood oo uu Cristiano Ronaldo uga fiican yahay Lionel Messi

Afar arrimood oo uu Cristiano Ronaldo uga fiican yahay Lionel Messi

Himilo FM –  Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ahaa ciyaartoyda ugu fiican adduunka muddo dheer. Waxay muddo 10 sanno ah ku guuleysteen dhammaan abaalmarinta ugu sarreysa kubadda cagta iyo koobabka kubadda cagta ee heerka kooxaha, halka sidoo kale ay si fiican u ciyaareen heerka caalami.

Ronaldo iyo Messi ayaa ku xafiiltamay garoonka dhexdiisa tartan weyn, waxaana lagu qadariyaa gooldhaliyashii ugu fiicnaa horyaalada. Taageerayaasha labada ciyaaryahanba waa kuwa aad u jecel, waxayna taageeradooda ku bixiyaan wakhti badan marka ay garoonka ku ciyaarayaan. Labadan ciyaartoy ayaa mar walba dareema tartan adag marka ay timaado u tartamidda xiddiga adduunka ugu fiican. Aan eegno afar arrimood oo uu Ronaldo uga wanaagsan yahay Messi:

1) Ronaldo ayaa ka ciyaaray afar horyaal oo kala duwan halka Messi uu ka ciyaaray kaliya LaLiga.

Ronaldo ayaa qeyb ka ahaa LaLiga (Real Madrid), English Premier League (Manchester United), Primeira Liga (Sporting CP) iyo Serie A (Juventus).

Waxa uu ku ahaa gooldhaliye mid kasta oo kamid ah kooxahaasi, waxaana uu awood u leeyahay mid ay ku xisaabatamaan kooxdiisa isaga oo muujinaya farbarashadiisa iyo iswaafajinta.

Taas bedelkeeda, Messi ayaa ganacsigiisii ugu caan baxay kaliya hal horyaal oo LaLiga ah. Ma cadda in dheemanka reer Argentine uu noqon lahaa mid guuleysta haddii loo soo bandhigo in uu ka ciyaaro horyaal kale.

2) Ronaldo waa hoggaamiye ka wanaagsan Messi. 

Ronaldo ayaa loo arkaa kabtan ka fiican Messi. Waxa uu dhiira-geliyaa kooxdiisa isaga oo leh qaab ciyaareed xooggan. Ronaldo waxa uu u ciyaaraa xulka qaranka si joogto ah inkasta oo uu ogyahay in kooxdiisa aysan aheyn mid aad u xooggan, taasi waxaa kaga duwaneyn Messi kaasi oo inta badan ku guuldareystay in uu Argentinea la guuleysto kaddib markii uu xulkiisa ay la kulmeen dhibatooyin si ay koobab u qaadaan.

Ronaldo ayaa Portugal u qaaday koobkii UEFA European Championship 2016, waxaa la yaabay qof kasta oo ka mid ah dadka xiiseeya kubadda cagta. Kooxdiisii ayaa France kaga badisay 1-0 finalkii dhacdadaasi.

3) Cristiano waxa uu leeyahay xirfad daafac oo ka fiican Messi.

Ronaldo ayaa heysta awood uu ku daafaco kooxdiisa, marka kooxaha kale ay qaataan laad xor ah, Ronaldo had iyo jeer waa qayb kamid ah derbiga safan ee celinaya kubadda laadka xorta ah.

Inkastoo dadku had iyo jeer ka fekeraan Ronaldo oo ah weeraryahan awood leh haddana waxa uu soo bandhigaa xirfadihiisa daafaca adag. Lionel Messi, inkastoo loo arko in uu yahay weeraryahan halyeey ah ayaa haddana u muuqda inuu ka danbeeyo Ronaldo kaasi oo kaga wanaagsan hab daafacashada.

4) Ronaldo waa ka goolal badan yahay Lional Messi.

Messi waa ciyaaryahan ka fiican Ronaldo marka laga hadlayo baasaska kubadda iyo ganbiska lagu sameenayo gudaha garoonka hase yeeshee marka awoodda kubadda cagta laga hadlayo Ronaldo waa uu ka sareeyaa Messi. Ciyaaryahanka reer Argentine ayaana u ciyaarin sida Ronaldo habka dhalinta goolasha.

Ronaldo waxa uu awood u leeyahay in uu dhaliyo goolal cajiib ah isaga oo isticmaalaya cagihiisa Inkastoo uu goolal badan ku dhaliyo cagtiisa xooggan ee midigta haddana mararka qaar waxa uu adeegsadaa midda bidix oo aan ka liidan xittaa waxaa u dheer goolasha lagu dhaliyo madaxa.

Messi ayaa goolasha ugu badan ku dhaliyay cagtiisa bidix, waana mid kale oo uu kaga liito laacibka Portugal.

About Ahmed Haaddi

2 comments

  1. Although there was no signi cant difference rellini et al propecia over the counter Not sure what my bmi is

  2. buy cheap propecia Surprisingly, we also found the homozygous Thr180Lys mutation in the TSC gene of patient D

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan