Home / Cayaaro / Afar ciyaaryahan oo dib ugu soo laabtay Man Utd kahor kulanka ay wajahayaan PSG

Afar ciyaaryahan oo dib ugu soo laabtay Man Utd kahor kulanka ay wajahayaan PSG

Himilo – Manchester United tababaraheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa heli doona afar ciyaaryahan, kuwaasi oo ciyaari doona Champions League ciyaarta ay wajihi doonaan PSG.

Edinson Cavani oo Red Devils ugu soo biiray si bilaash ah xagaagan, ayaa soo qaatay 14 maalin oo karantiil waajib ah. Anthony Martial ayay sidoo kale heli kartaa Manchester United kaddib markii uu seegay kulankii billowga isbuucaan la ciyaareen Newcastle United sabab la xiriirta ganaax.

Xiddiga muddada dheer ka maqnaa ee Axel Tuanzebe ayaa sidoo kale kusoo laabtay tababarka, halka Mason Greenwood oo isaguna maqnaa ciyaaartii Newcastle ayaa kamid ah laacibiinta la heli karo kulankaasi.

Dhammaan ciyaartoydaan ayaa ah kuwa si buuxda ugu mid noqon doona safka loo xulan doona kulanka kooxaha Man Utd iyo PSG ee Champions League.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan