Home / Macluumaad / Afka iyo Sarbeebtiisa

Afka iyo Sarbeebtiisa

Himilo – Af waxa uu ka kooban yahay amaba uu ku taagn yahay seddaxda tiir ee kala ah erayada, qaab dhismeed iyo adeegsiga. Marka la joogo afkeenna hadalku waxa uu noqdaa tix amaba tiraabta oo ah midka aan sida maalinlaha ah u adeegsano.

Hadallada la adeegsado waxey ku arooraan labadaasi wado midood, waxaae jira kuwa laba dhinacba laga heli karo sida Sarbeebta oo aalaaba lagu tiriyo tiraabta waqtiyada qaarse lagu dhex daro suugaanta sida gabayyada, geeraarada iyo heesaha.

Waa erayo la isku geeyo oo sameeya macno gaar ah oo aan ahayn midka dhawaaqaya, waa ay adag tahay in ruux weliba fahmo amaba markiiba garto, waxaa badanaa adeegsada oo isku af garata hadba inta isla da’da ah amaba isku garaadka dhaw.

Sarbeebtu ma lahan xilliyo amaba madallo gaar ah oo lagu adeegsado waxaa la isticmaalaa waqti weliba oo la dareemo baahideeda, alaabana sarbeebtu kuma fadhiso xeerarka afka.

Marka laga sheekeynayo muhiimadda ay u leedahay afka, aqoonyahannada afka waxey ku tilmaamaan inay tahay afka baarkiisa sare, mar kalena waxaa lagu daraa qalabyada afka sida Maah-maahyada iyo xigmadaha.

Waxaa laga adeegsadaa miyi iyo magaalaba. Qofka adeegsanaya waxey ka caawisaa inuu xog siiyo ruuxa amaba kooxda uu doonaya iyada oo aysan fahmin inta kale ee markaasi la joogta madasha.

Inkasta oo ay muhiimadaasi innoo leedahay haddana ruuxa doonaya inuu barto amaba ogaado ma helo marjac amaba meel uu ka dheegto marka laga reebo inta yar ee ku jirta maskaxda waayeelkeenna iyo suugaanta inteeda la keydiyay.

Inta la ognahay buugga Firsooca Sarbeebaha Soomaaliga waa kan keliya ee illaa iyo hadda lagu uruuriyay sarbeebaha soomaaliga. Qoraha buuggan Maxamed Warsame Hiraabeey, si la mid ah baarayaashe kale ee isku dayay waxaa ku adkaatay hellidda Sarbeebaha ku keydsan dhiganaha.

Sida uu u sheegay radio Himilo, waxaa uu uruurinteeda billaabay sanadkii 1982-kii, taasi oo ka dhigan inay ku qaadatay in ka badan sodon sanadood inuu isu keeno dabadeedna fasiro si loo fahmo 1,500 ee sarbeebood ee ku jira buugga.

Sida uu u arko Qoraa Hiraabeey, buuggan waa mid dhigaal u noqonaya bulshada, si ay u barato sarbeebaha ku jira Afka jiilba jiilka ka danbeeyana uu uga dhaxlo.

Keli ahaanshiyaha dhiganahan waxa uu tusaalle u yahay inaan nahay bulsho hadasha baddelkii ay wax qori lahayd waxey na taasi ina dhaxalsiisay in boqolaal sarbeebood oo ay deegsan jireen jiilaalkii inna horreeyay ay dabar go’een halka kuwa kalena ay wajahayaan khatar muuqata, haddii aanan la helin cid isku howsha.

 

 

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan