Himilo – Maamulka gobolka Uttar Pradesh ee dalka India ayaa amaray toddobaadkii hore in la burburiyo hoyga ay kaga nool yihiin Afreen Fatima iyo qoyskeeda magaalada Prayagraj.
Amarkaasi kaddib saacado guheed ayaa dhulka lagu dhigay dhismahaasi oo ka koobnaa laba dabaq (biyaano), iyaga oo ku doodayay maamulka gobolka Uttar Pradesh in qoyska ay qeyb ka yihiin abaabulka dibadbax looga soo horjeeday aflagaadadii suubannaheenna Muxamed NNKH ay u geysteen xubno ka tirsan xisbiga BJP.
Warbaahin ayaa qabatay muuqaalka burburinta hoyga Fatima, waxaan durbadii soo ifbaxay weydiimo ay ka mid tahay maxaa lagu bartilmaameedsanayaa qoyska Afreen Fatima?
Fatima Waa xoghayaha dhaqdhaqaaqa Fraternity oo ah garabka ardayda ee xibsiga Welfare ee dalka India. Aabaheed Javed Mohammed isagana waa xubin ka mid ah xisbiga.
Waxey sanad kahor darajada Masterka ka diyaarisay jaamacadda Jawarahlal Nehru, waxey ku caanbaxday dhaleeceynta go’aanada ka dhanka ah muslimiinta ee kasoo baxa xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP).
Waxaa aad loo bartay sanadkii 2019-kii, kolkaasi oo caasimadda New Delhi ay gilgileen dibadbaxyo looga soo horjeeday wax ka baddelkii lagu sameeyay sharciga muwaadinnimada India, Mudaharaadkaasi oo ay ku dhigteen in ka badan 65 ruux, 300 ka badan na xabsiga la dhigay.
Afreen Fatima, waxey sidoo kale hormuud u ahayd isu soo baxyo lagu diidanaa mamnuucista xijaabka, iyada oo si adag kaga hortimid go’aankaasi. Waxey codkeeda ku biirisay mudaaharaadka ka dhacay Magaaladeeda Prayagraj ee looga soo horjeeday qadafkii lagula kacay nabigeenna NNKH.
Boliiska oo gacanta ula tagay dibadbaxayaasha oo muslimiinta u badnaa, ayaa xabsiga dhigay in ka badan 300 oo ruux, waxaa ka mid ah walaasha Fatima iyo labadeeda waalid, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqul insaanka.
Iyaga oo aanan bixin digniin waafi ah, ayey boliisku sidoo kale burburiyeen seddax guri oo ay leeyihiin muslimiinta, waxaa ka mid noqday midka Afreen Fatima. Waxey sheegeen in guriga yahay sharci darro, inkastoo qoysku beeniyeen hadalkaasi.
Shir saxaafadeed ay kasoo muuqatay Fatima burburinta kadib, ayay ku sheegtay inay garab taagan tahay qoysaska muslimiinta ah ee guryahooda dhulka la dhigay, iyada oo ku tilmaamtay go’aanka burburinta hoygeeda mid aargudasha ah.
“Wax weliba oo dhaco, si walba oo ay isugu dayaan inay na baqdin galiyaan oo noo caga-jugleeyaan amaba innoo dhigaan xabsi ma aamusi doono mana ka tagi doono dalkeenna” ayey tiri Fatima.
Waxey ku boorisay ruux weliba inuu ka dhiidhiyo ficillada gurracan ee dowladda kula kaceyso muslimiinta iyo hantidoodaba.
Waxey xustay in iyada iyo inta la mid ah ee bulshada muslimiinta ah ku abtirsata ay sii wadi doonaan dagaalka ay ku illaashanayaan qiyamka iyo sumcadooda.
“Xittaa hadii aan waayo qof muslim ah oo I garab istaaga, dagaalkan waan sii wadi doonaa” ayey ku gababeysay hadalkeeda.
Tilaabada ay dowladda India ku burburisay guryaha muslimiinta kaddib waxa sii xoogeystay isu soo baxyada lagu dhaleeceynayo go’aankaasi, waxaa barta Twitterka ka billawday ol-ole garab istaag loogu muujinayo muslimiinta India, si gaar ah qoyska Afreen Fatima.
Ol-olaha oo summad looga dhigay #StandWithAfreenFatima ayaa lagu wadaagayay sawiradeed oo ay wehlinayaa erayo qeybtood u dhignaa: waxaad tahay hogaamiyeheenna, rajadeenna, dhiirigelinteenna, codkaagu waa sida xoog aanan la loodin Karin, waxaad tahay innaga, annagana adiga ayaan ku nahay.