Home / Deegaan / Africa: Maroodiyada ku nool oo qar ku saaran inay dabar go’aan

Africa: Maroodiyada ku nool oo qar ku saaran inay dabar go’aan

Himilo – Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka IUCN  ee u dooda degaanka iyo duur-joogta maroodiyada ku nool keymaha Africa waxaa sii kordhaya khatarta inay dabar go’aan.

Sahmin cusub oo la sameeyay waxay daaha ka rogtay in labo nooc oo maroodiyadaas ka mid ah ay hadda galayaan galka noolayaasha sii tiritrmaha sabab la xiriirta ugaarsiga aadanaha.

“Waxaan boorineysaa joojinta ugaarsiga si loo hubiyo sii waaridda keymaha iyo maroodiyaasha.” Sidaa waxaa yiri Bruno Oberle oo ah agaasimaha ururka midowga Caalamiga ee Ilaalinta degaanka iyo duur joogta.

Cilmi baaris laga sameeyay Africa ayaa lagu sheegay in 60% tirada maroodiyada laga helo dhulka savanna ay hoos u dhacday 50 sano ee tagay halka maroodiyada jooga bartamaha Africa ay is dhintay tiradooda 86% 31-dii sano ee la soo dhaafay.

Iyadoo caqabadahaas ay jiraan haddana waxaa warbixinta lagu sheegay in dalalka Gabon iyo  jamhuuriyadda  Congo laga sameeyay keymo ka dib dedaal ay bixiyeen daneeyaasha degaanka iyo duur-joogta.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan