Himilo – Muslimiinta waxey door mug leh ku leeyihiin horumarinta bulshada ay ku dhex nool yihiin ee New Zealand, iyaga oo kamid ah adeegayaasha shacabka.
Ibrahim Omer oo u dhashay Eritrea, ayaa markan ku biiray golaha Baarlamaanka dalkaasi, isaga oo noqonaya afrikaankii ugu horreeyay ee muslim ah ee gala aqalka sharci dajinta New Zealand, sida ay daabacday briefly.co.za.
Waxa uu gaaray riyo uu muddo ku taamayay, kaddib markii xisbiga shaqaalaha uu guulleeystay doorasho dhacday bishan. 42-jirkan, Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2008-dii dib u dejin ugu sameeysay wadanka New Zealand, halkaas oo uu ka billaabay shaqada Nadiifiyaha.
20014-kii, waxa uu ku biiray Jaamacaddii uu nadiifiyaha ka ee ee Victoria oo uu ka bartay culuumta siyaasadda, isaga oo wali annan ka tanaasulin shaqadiisa nadiifiyenimo, goor danbe ayuu ka mid noqday golaha sare ee madasha Changemakers Resettlement Forum.
Cumar, waxa uu ugu danbeeyntii ka qeyb noqday koox afartan xildhibaan oo wajiyo cusub ah oo baarlamaanka ku matalaya xisbiga haya talada New Zealand ee Labour-ka .