Home / Cayaaro / Agaasimaha kooxda PSG oo weerar ku qaaday kooxda Barcelona
O

Agaasimaha kooxda PSG oo weerar ku qaaday kooxda Barcelona

Himilo FM –  Agaasimaha kooxda PSG Antero Henrique ayaa weeraray maamulka Barcelona isagoo tilmaamay in Blaugrana aysan ixtiraamin sharciyadda kaddib markii si hoose ay wada hadal ula furteen xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot.

Adrien Rabiot ayaa la tilmaamay in kooxda Barcelona uu u dhaqaaqi doono xilli ciyaareedka soo aadan kaddib marka uu soo idlaaday heshiiska uu ku joogo PSG.

Henrique oo wareysi siinayay wargeyska ‘AS’ ee dalka Spain waxuu kooxda Barcelona ku eedeeyay inaysan ixtiraamin Sharciyadda kubadda Cagta.

“Waxaan mar walba layaab nagu noqda kooxo aan ixtiraameynin sharciyada,” ayuu hadalkiisa raaciyay Henrique.

“Aad ayaan u la yaabay kaddib markii ay Adrien Rabiot hooyadiisa tiri waxaan dalab ka helnay kooxda Barcelona si ay laacibka ula wareegaan xilli ciyaareedka soo socda,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray.

Dalabka kooxda Barcelona ay ku raadineyso ciyaaryahanka Adrien Rabiot ayaa noqday mid ay aad ula yaabto kooxda PSG sida uu sheegay agaasimahooda Henrique.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan