Home / Macluumaad / Akadamiyadda Qur’aanka Kariimka ee ugu wayn caalamka

Akadamiyadda Qur’aanka Kariimka ee ugu wayn caalamka

Himilo – Akadamiyadda oo laga furay magaalada Sharjah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxey ku fadhisaa dhul gaaraya 75,000 oo mitir laba jibbaaran, taasi oo ka dhigeysa tan ugu ballaaran dunida.

Waxey leedahay illaa todobo madxaf oo u fufeynaya ardayda inay ka bartaan Qur’aanka  Kariimka amaba ka sameeyaan cilmibaaris. Waxaa ku keydsan madxafyadaasi qoraalo la qoray qarni kahor iyo 308 nuqul oo Qur’aanka Kariimka ah oo qaarkood gacanta lagu qoray.

Qeybaha kale ee xiisaha leh waxaa ka mid ah halka lagu xafiday 18-ka xabo ee ah marada madow ee lagu dahaaro Kacbada, waxaa ku jirta mid la isticmaali jiray sanadkii hijriga ee 970-kii, qiyaasti waqti maanta laga joogo 472 sano.

Dr. Sultan bin Mohamed Al Qasimi, xaakimka magaalada Sharjah oo lahaa fikradda dhismaha Akademiyadda, ayaa furitaankeeda ka sheegay inaysan noqon doonin kaliya goob u shaqeysa sida madxafka oo kale balse ay fulin doonto barnaamijyo kale.

Waxa uu ugu baaqay dadka inay booqdaan si ay u bartaan heerarkii kala duwaan ee uu soo martay qoraalka Qowlka Eebbe.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan