Himilo – Muneer Sarri Al Jundi oo ah naqshadeeye u dhashay Siiriya, ayaa lahaa hindisaha al-baabka quruxda badan ee ku xiran goobta barakeysan ee kacbada.
Albaabka oo farsameyntiisu ay qaadatay seddax sano, ayaa laga sameeyay bir lagu dahaaray alwaaxda qaali ah oo lagu xijiyay dahab saafi ah. Midkaasi oo lagu dhajiyay October 31, 1947-kii waxaa lagu badelay ku’ kale oo laga sameeyay 280 kilogram oo dahab saafi ah, markii u amray in la baddelo albaabka hore ee Kacbada boqorkii Sacuudiga ka taliyay waqtigaasi ee Khalid bin Abdul Aziz Al-Saud.
Waxa dhirirkiisu yahay seddax mitir, halka ballaciisuna gaarayo laba mitir, waxaana lagu farsameeyay warshadda Sheikh Mahmoud Badr ee magaalada maka, taasi oo waqtigaasi hormuud u ahayd warshadaha sameeya albaabada dahabka ah, sida lagu qoray gulfnews.
Muneer Sarri Al Jundi oo fulinayay amarka boqorkii Sacuudiga Khalid bin Abdul Aziz Al-Saud, ayaa ku guulleystay naqshadeyta albaabka hore ee Kabcada, kaas oo la rumeysan yahay inuu yahay maanta kan ugu da’da wayn dunida.
Al Jundi, ayaa sabtigii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Stuttgart ee koofurta wadanka Jermalka.