Home / Cayaaro / Alexandre Pato oo dib ugu laabanaya Italy

Alexandre Pato oo dib ugu laabanaya Italy

Himilo – Weeraryahankii hore ee Milan Alexandre Pato ayaa lala xiriirinayay in uu kusoo laabanayo Serie A, gaar ahaan kooxaha Genoa, Spezia iyo Monza.

Pato ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Sao Paulo bishii August 2020, majaladda  La Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in uu go’aansaday dib ugu soo laabashada Italy xilli ciyaareedkaan.

Naadiga Genoa ayaa go’aansatay soo qaadashaa 31-jirkaan, halka Monza ku biirtay raacdada laacibkaan si dib loola mideeyo madaxweyne Silvio Berlusconi iyo Adriano Galliani kuwaasi oo ay horey ugu soo wada shaqeeyeen Rossonero.

Pato ayaa 117 kulan kasoo muuqday Serie A, isaga oo lix xilli ciyaareed ku qaatay Milan intii u dhaxeysay 2007 and 2013.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan