Home / Caafimaad / Aljeeriya oo daabacanaysa lacag cusub sababo caafimaad awadeed

Aljeeriya oo daabacanaysa lacag cusub sababo caafimaad awadeed

Muqdisho – Wargeyska Al-Shuruuq ee ka soo baxa Aljeeriya ayaa shaaciyay in bankiga dhexe ee dalkaasi uu ka shaqeynayo  lacag cusub oo uu dalku soo daabacdo sababo lala xiriira caafimaad darro.

Sida lagu xusay warbixinta wargeyska, lacagta dalkaasi ee hadda la isticmaalo waxay noqotay lacag duugoowday oo midabkeeda isbadalay islamarkaana cabasho badan ay dadweynaha ka soo gudbiyeen.

Lacagta la soo daabaco waxay qeybaheeda noqonayaan 100, 500 iyo kun Diinaar, waxaana soo dhaweeyay khubaro badan oo dhowr jeer oo hore dhaleeceeyay lacagta laga isticmaalo Aljeeriya.

Zaki Xariir oo madax u ah hay’ad ayaa u sheegay wargeyska Al-Shuruuq in lacagta Diinaarka Aljeeriya ay liidato isaga oo xusay in lacagtu ka qeyb qaadanayso fiditaanka jeermisyadda.

Waxa uu Mr Xariir ku baaqay in kahor inta aan la soo daabicin lacag cusub loo baahan yahay in dadka la wacyi-geliyo islamarkaana la baro sida loo adeegsado si badqabka caafimaad ee bulshada loo dhowro.

Khubarada reer Aljeeriya ayaa qaba aragtida ah in la xoojiyo maadooyinka laga sameeyo lacagta si aysan u noqon mid u bandhigan jeermisyada si fududna ku faafisa.

Aljeeriya waa laga soo dhaweeyay arrintan, dadku kama aysan cabaneyn sicir barar ama hoos u dhac lacageed laakiin waxaa soo baxay walwal caafimaad oo immika qasbaya in dib loo soo daabaco lacagta dalkaas.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan