Home / Cayaaro / Allan Saint-Maximin oo kordhinaya heshiiska uu kula joogo Newcastle

Allan Saint-Maximin oo kordhinaya heshiiska uu kula joogo Newcastle

Himilo – Waxaa soconaya wadahadalo ku aadaan sidii ciyaariyahanka garabka kaga dheela kooxda Newcastle ee Allan Saint-Maximin uu ku kordhin lahaa heshiiska uu kula joogo naadiga, sida ay warisay Sky Sports.

Xiddigan faransiiska u dhashay ayaa heshiis lix sanno ah waxa uu xagaagii tagay ugu biiray Newcastle, markaas oo uu kasoo tagay Nice.

Wadahadalada oo sii xoogeynaya, haddii ay guuleeystaan waxaa suuragal ah inuu Allan sii joogo kooxda inta laga gaarayo 2026-ka.

Steve Bruce, tababaraha Newscastle, ayaa rumeysan in 23-jirkan uu leeyahay hab ciyaareed xirfadeysan kooxduna ay tahay inay sii xajisato.

Kooxda Newcastle ayaa guuleysatay 12-kamid ah 26-kuln oo lagu soo billaabay Allan Saint-Maximin, taas oo adkeeyn karta ku qancinta xiddigga inuu sii joogo garoonka St James Park.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan