Home / Arrimaha Bulshada / Allow xildhibaanku dooraa mid inoo dan ah

Allow xildhibaanku dooraa mid inoo dan ah

Himilo – Waa guuxa dadweynaha soomaaliyeed ee ka dhursugaya doorashada maanta ka dhaceysa xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni ee qabsoomideeda ay qaadatay muddo ka badan sanad iyo bar ayna hareereeyeen khilaafyo sababay gacan ka hadal.

Doorashadu ma noqon doonto mid qof iyo cod ah sida ballantu ahayd doorashadii middaan ka horeeysay balse xildhibaannada laba gole ee baarlamaanka oo ka badan 320 mudane ayaa dooran doona madaxweynaha 10aad ee dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Waxaa u taagan kursigaasi 39 murashax, inkastoo seddax ka mid ah oo ay ku jiraan wasiirkii hore ee amniga gudaha marna soo noqday madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ay ku dhawaaqeen inay isaga harreyn doorashada maanta dhaceysa. Tirada rasmiga ah ee musharixiinta tartameysa ayaase la filayaa inay ku dhawaaqaan gudigga doorashada.

Waxaa la filayaa in doorashadu qaadato muddo badan oo la isla gaaro illaa caawa sabab la xiriirta tirada murashariinta u taagan qabashada xilka ugu sareeya dalka oo badan iyo doorashada oo ah mid adag marka loo eego dadka tartamaya oo ay jiraan mudanayaal xilal kasoo qabtay dalka sida kuwa soo noqday Madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal.

Marka laga yimaado xilidhibaanada wax dooranaya iyo murashaxiinta, waxaa doorashada goobjoog ka ah xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka iyo kormeerayaal caalami ah oo ka socda Midowga Africa iyo dalal kale oo dunida ah.

Waxaa magaalada Muqdisho xalay ka dhaqan galay bandow ay kusoo rogeen ciidamada boliiska Soomaaliya, kaasi oo soo billawday kowdii habeenimo kuna eg aroornimada isniinta ah.

Khubarada qaarkood ayaa saadaalinaya in wareegga 1-aad ba ay ku hari karaan in ka badan kala bar murashaxiinta tartameysa, kuwa la saadaalinayo inay gaaraan wareegyada ugu danbeeya ayaa jira, wallow go’aanka uu gacanta ugu jiro mudanayaaha labada aqal ee wax dooranaya.

Marka laga yimaado in shacabku kala taageerayaan murashaxiinta haddana hadalka ugu danbeeya ee aad maqleyso ayaa ah ducada “Allow innoo door mid innoo dan ah.” Masaajidda caasimadda qaarkood, ayaa xalay illaa iyo saaka ay culumadu ku alle baryayeen iyagoo ku duceynayay in talada dalka uu alle u gacan galiyo mid isku wadi kara bulshada oo wax ka qabta dhibaatooinka daashaday.

Waxey muujinayaan dadweynuhu niyad wanaag ah in madaxweynaha 10aad ee soo baxa uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka ka jira dalka oo ay ugu mudan yihiin Dhaqaalaha, iyo Amniga.

 

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan