Home / Habka-Nolosha / Andy Murray oo doonaya inuu daafacdo biladdii uu ka hantay Olombikada

Andy Murray oo doonaya inuu daafacdo biladdii uu ka hantay Olombikada

Andy Murray ayaa carabka ku dhuftay inuu si toos ah diiradda u saarayo sidii uu u difaacan lahaa biladdii uu ka helay cayaaraha Olombikada marka Rio de Janeiro la isugu tago bisha soo aadan.

Ninka labaad ee Tenniska ugu wacan ayaa la kulmay guul darro wareeggii furitaanka cayaarihii Olombikada ee 2008 lagu qabtay Shiinaha laakiin afar sano kaddib ayuu soo laabtay isagoo wacdarro dhigay cayaarihii ka dhacay London, markaasoo biladda dahabka uu qaatay kaddib edbintiisii ka dhanka aheyd Novak Djokovic iyo Roger Federer oo si isxigta uu ugu awood sheegtay.

Inkastoo weli ay taagan tahay cabsida durayga Zika misna Murray wuxuu doonayaa inuu hore u dhaqaaqo mar kale si goortiisii saddexaad uu Olombikada uga qeyb galo.

29- jirkaan ayaa la wadaagay Sky Sports News: “Rio ayaa noqon doonta mid weyn. Marka la joogo Olombikada, waxaan heystaa labo qibradood oo cajiib ah. Goortii Beijing, dhankii tenniska ma wacneyn laakiin wan jeclaa, waxaan la kulmay tiro badan oo cayaartoy ah, waana xaadiray xafladdii furitaanka.

“Halka London inkastoo aan ku guuleystay koob dahabi ah, waxay ii aheyd mid kamid ah waayo aragnimadii nolosheyda ugu wanaagsanaa intan xirfaddan ku jiray waana ku dadaali doonaa in sidaa oo kale aan ku sameeyo Rio.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Murray.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan